Skip to main content

Waa Maxay Kansarka?

Waa Maxay Kansarka?

Kansarku waa cudur saameeya dad aad u fara badan. Dad badan ayaa marka ay maqlaan cudurkan waxaa gala baqdin. Cabsidaas ayaa mar marka qaarkood dadka ku dhiirigelisa inay wax ka ogaadaan cudurkan ayna wax ka qabtaan si ay uga hor tagaan. In aad wax badan ka barato kansarka ayaa ah wado kuu sahlaysa in cabsida kansarku kaa yaraato.
Kansarku wuxuu ka mid yahay koox badan oo cuduro ah, waxaana lagu gartaa in unugyada jirka ka tirsan ay u shaqeeyaan si aan caadi ahayn. Jirka dadku wuxuu ka kooban yahay bilyanno unugyo yaryar. Unuga ayaa ayaa abuura qeyb kasta oo jirka ka tirsan, sida maqaarka, lafaha, wadnaha, sambabada, iyo xubno kale. Caadi ahaan unugada ayaa iskood u tarma si ay u kaalmeeyaan koriimada iyo qeybaha kale ee jirka.
Marka unugu bilaabo inuu u tarmo ama ukala qaybsamo si aan caadi ahayn, waxaa taa loo yaqaan buro (tumor). Burado waxay noqon kartaa buro aan kansareysanayn ama buro kaansareysan. Burada aan kansareysanaynway kortaa laakiin kuma fido qaybaha kale ee jirka. Waxay keeni kartaa dhibaatooyin la taaban karo, sida is-hortaag ama waxay u ekaan kartaa wax aan caadi ahayn, laakiin badanaa waa la qalaa, dibna uma soo baxo.
Burada kansareysan waa kansar. Burada ayaa ku qaada weerar ama duulimaad qeybaha kale ee jirka. Waxay ku fidi kartaa qeybaha kale ee jirka, iyadoo abuuraysa burooyin cusub (midan ayaa la yiraahdaa metastasis). Marka buradu kansareysan tahay, unugyada ayaa u koraya si aan la xadidi karin. Mar marka qaarkood, hadii xataa buradii ugu horeysay qaliin lagu jaro, cudurka ayaa weli ku sii kori kara meeshii uu ka bilawday ama qaybo kale oo jirka ka tirsan hadii burooyin kansar ah ay horayba ugu faafeen.

Comments