Waa Maxay Kansarka? Kansarku waa cudur saameeya dad aad u fara badan. Dad badan ayaa marka ay maqlaan cudurkan waxaa gala baqdin. Cabsidaas ayaa mar marka qaarkood dadka ku dhiirigelisa inay wax ka ogaadaan cudurkan ayna wax ka qabtaan si ay uga hor tagaan. In aad wax badan ka barato kansarka ayaa ah wado kuu sahlaysa in cabsida kansarku kaa yaraato. Kansarku wuxuu ka mid yahay koox badan oo cuduro ah, waxaana lagu gartaa in unugyada jirka ka tirsan ay u shaqeeyaan si aan caadi ahayn. Jirka dadku wuxuu ka kooban yahay bilyanno unugyo yaryar. Unuga ayaa ayaa abuura qeyb kasta oo jirka ka tirsan, sida maqaarka, lafaha, wadnaha, sambabada, iyo xubno kale. Caadi ahaan unugada ayaa iskood u tarma si ay u kaalmeeyaan koriimada iyo qeybaha kale ee jirka. Marka unugu bilaabo inuu u tarmo ama ukala qaybsamo si aan caadi ahayn, waxaa taa loo yaqaan buro (tumor). Burado waxay noqon kartaa buro aan kansareysanayn ama buro kaansareysan. Burada aan kansareysanaynway kortaa laakiin kuma fido q...
Ka bogo maqaalo iyo murti